Hogaamiyaha Qadar ayaa ugu baaqay dadkiisa in la yareeyo qarash garaynta lacagta

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Souk Waqif

Hogaamiyaha mid ka mid ah waddanka ugu lacagta badan adduunka ee Qadar, ayaa sheegay in dadkiisa uu u baahan inay wax ka qabtaan dhaqanka ah in wax la qarash gareeyo.

Baaqa Sheikh Tamim bin Hamad AlThani, ayaa yimid iyadoo miisaaniyada Qadar ay yaraatay sicirka shidaalka oo hoos u dhacay awgeed.

Isagoo sheegaya qorshaha dhaqaalaha shanta sano, Sheikh Tamim ayaa sheegay in la joojiyo lacagta la qasaariyo.

Qadar ayaa sida waddamada Khaliijka oo kale doonaysa inay yarayso qarashka dowladda.

Mowduucyada la xiriira