Taliyaha ciidamada QM ee Suudaanta Koonfureed oo la cayriyay

Image caption Boqolaal rayad ah ayaa degay meelo ammaan ah

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa shaqada ka eryay taliyaha ciidamada Qaramada Midoobay ee dalka Suudaanta koonfureed, kaddib markii baaris lagu soo gabagabeeyay in ciidamadiisa nabad ilaalinta ay ilaalin waayeen dad rayid ah.

Baarista oo ay taageertay eedo hore oo shaqaalaha gargaarka ku eedeeyeen in ciidamada QM ay diideen in ay ka jawaabaan markii ciidmada dowladda ay weerareen xarun gargaar caalami dagaal ku dhex maray laba koox bishii July magaalo madaxda Juba.

Weerarkaas ayaa wariye Suudanta koofureed lagu dilay, iyadoo dhowr shaqaalaha gargaarka la garaacay lana kufsaday.

Mowduucyada la xiriira