Inter Milan oo eriday tababare Frank de Boer

De Boer Inter Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption De Boer oo ahaa tababaraha kooxda Ajax ee dalka Netherlands, ayaa Inter la joogay 85 maalmood oo keliya

Inter Milan ayaa shaqada ka eriday tababare Frank de Boer, oo kooxdaasi Talyaaniga ah laylinayay 85 maalmood oo keliya.

Inter ayaa hadda kaalinta 15-aad kaga jirta shaxda kala horeynta horyaalka Serie A, waxaana Axadii 1-0 uga adkaatay Sampdoria.

Inter Milan ayaa Khamiista kulan ka tirsan Europa League la dheeli doonta kooxda Ingiriiska ka dhisan ee Southampton.

De Boer oo ahaa tababaraha kooxda Ajax ee dalka Netherlands, ayaa kooxdaasi la qaaday afar horyaal oo dalkaasi ah.

Bishii August ayuu heshiis 3 sano ah la galay kooxda Inter, asaga oo bedelay tababarihii hore ee Manchester City, Roberto Mancini.

Kooxdaasi ku dheesha garoonka San Siro ayaa tan iyo 2010 waxaa soo maray 9 tababare.