Mata oo “dareensan inuu muhiim u yahay” Man Utd

Mata United Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mata ayaa ciyaartii ugu dambeysay kabtan u ahaa Man United

Juan Mata ayaa sheegay "in uu dareemayo in uu muhiim u yahay" kooxda Manchester United, bilo yar ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ka tegayo garoonka Old Trafford.

Laacibkan khadka dhexe ka dheela ee 28 jirka ah, ayaa United kabtan u ahaa ciyaartii 0-0 ku dhamaatay ee Sabtidii ay la dheeshay Burnley.

Tababare Jose Mourinho ayaa xilligii uu laylinayay Chelsea waxa uu Mata ka iibiyay kooxda Manchester United.

"Sheekooyin badan ayaa la abuuray," ayuu yiri Mata, oo intaa ku daray "aniga un baa og waxa socda, waxbana ma jiraan."