Wargayskii Taariikhda iyo dhaqanka oo dib u soo baxay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wargayskii Dhambaal ee taariikhda iyo dhaqanka oo dib u soo baxay

Magaalada Muqdisho waxa markii ugu horeysay mudo 25 sano kadib maanta dib usoo baxay wargeyskii la oran jiray Dhambaalka, ee ay soo saari jirtay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Soomaaliya.

Munaasabad weyn oo lagu soo bandhigayay nuqulkii ugu horeeyay ee wargeyskaasi ee soo baxay saaka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wargeyskan oo lagu qori jiray maqaallo ka hadlaya dhaqanka iyo taariikhda, ayaa la burburay dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay markii la riday dawladdii hore 1991kii.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aadan, ayaa ka waraystay wargeyskan saaka soo baxay agaasimaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Soomaaliya, Cabdiqadir Nuur Xuseen Maax, wuxuna marka hore weydiiyay bal in uu faahfaahiyo wargeyskan.

Mowduucyada la xiriira