Booliska oo kala eryay dad ka ashtakoonayay musuqa ka jira Kenya

Image caption Dadkan waxay ka mudaaharaadayeen musuqmaasuqii ugu dambeeyay ee lagu eedeeyay dowladda Kenya

Booliska dalka Kenya ayaa qiiqa dadka ka ilmeysiiyo iyo biyo u adeegsaday in ay ku kala eryaan dad dibad-baxyo ka dhigayay gudaha magaalada Nairobi, kuwaasi oo ka ashtakoonayay musuqmaasuqa ka jira dalka.

Boolisku wax ay budad ku garaacay qaar ka mdi ah dadkani dibad-baxyada dhigayay, waxa ayna sidoo kale xabsiga u taxaabeen qaar kale oo ka mid ah dibedbaxayaasha.

Dadkan waxay ka mudaaharaadayeen musuqmaasuqii ugu dambeeyay ee lagu eedeeyay dowladda Kenya.

Masu'uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ayaa lagu eedeeyay inay xadeen 50 milayn oo doolar oo loogu talagalay in hooyooyinka uurka leh ay si bilaash ah ugu dhalaan isbitaalada dowladda.