Kenya oo ciidamadeeda kala bexeyso Suudaanta Koofureed

Ciidamada Kenya ayaa South Sudan galay ka dib markii uu qalalaasaha ka bilowday dalkaasi Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Kenya ayaa South Sudan galay ka dib markii uu qalalaasaha ka bilowday dalkaasi

Dowladda Kenya ayaa sheegeysa inay ciidamadeeda kala soo bexeyso dalka Suudaanta Koofureed.

Arrintani waxay daba socotaa, taliyaha Ciidamada nabad ilaalinta oo Kenya u dhashay ayaa shaqada laga ceyriyay.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in shaqa ka fariisinta Janaraal Johnson Mogoa Kimani Ondieki, aysan lahayn daahfurnaan iyo cadaalad.

Taliyahaasi waxaa Talaadadii shaqada ka ceyriyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey.

Shaqada in laga tiro waxay ka dhalatay baaritaan la sameeyay oo lagu ogaaday in ciidamada nabad ilaalinta ay diideen inay caawiyaan dad rayid ahaa oo ku sugnaa duleedka dhismo gargaar.

Shacabkaasi ayaa bishii July weerar kala kulmay ciidamada dowladda Suudaanta Koofureed, sida warbixinta lagu xusay.

Kenya waxay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu badan ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta Suudaanta Koofureed.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan