Hogaamiyaha daacish Al-Baqdaadi oo fariin cod ah soo diray

Al-Baqdaadi markisii ugu horeysay wuxuu ka hadlay Moosil oo ah meesha loogu caleemo saaray hogaamiyenimada. Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Al-Baqdaadi markisii ugu horeysay wuxuu ka hadlay Moosil oo ah meesha loogu caleemo saaray hogaamiyenimada.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa soo saaray cod ay ku sheegeen inuu yahay midka hogaamiyahooda Abu Bakar Al-Baqdadi.

Wuxuu codkaasi ku baaqayaa in shacabka ay difaacaan magaalada Moosil.

Wuxuu intaasi ku daray inaysan ka bixi doonin magaalada, uuna ku kalsoon yahay inay guul gaarayaan.

Waa farriintii ugu horeysay oo Al-Baqdadi uu soo diro muddo sanad ah.

Sidoo kale waxa ay farriintan imaaneysaa iyadoo laba isbuuc uu socdo olole ka dhan ah ururkiisa.

Dullaanka oo ay hogaaminayaan ciidamada Ciraaq ayaa daacish looga qabsaday deegaano badan oo hareeraha Moosil ku yaalla.

Hay'adda u dooda xuquuqul insaanka, Amnesty International, waxa ay sheegeysaa inay cadahay in malleeshiyaadka Sunniyiinta ee qabsaday qeybo ka mid ah Moosil ay ka aargudanayaan ragga looga shakiyo inay daacish taageerayaan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan