Trump iyo Obama oo olole iska soo horjeeda ka wada Florida

Trump iyo Obama oo maanta si kala duwan uga ololeynaya gobolka Florida. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Trump iyo Obama oo maanta si kala duwan uga ololeynaya gobolka Florida.

Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ayaa markale foodda isku daray gobolka Florida oo ay u arkaan inay muhiim u tahay doorashada isbuuca soo socda.

Qarashka guud ee xayeysiinta iyo ololaha uga baxay labada xisbi ayaa sare u sii kacay.

Waxaa lagu qiyaasayaa in boqol milyan oo dollar uu musharax kastaa ku bixiyay Florida.

Donald Trump iyo Hillary Clinton, ayaa si joogto ah u booqday gobolkaasi.

Mr Trump ayaa Arbacadii booqday seddax magaalo oo gobolka ka mid ah, wuxuuna taageerayaashiisa u sheegay in ay tahay inuu Florida ku guuleysto.

Maanta oo Khmiis ahna wuxuu ku sii sugnaanayaan gobolkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa calanka Dimuquraadiga maanta u qaadaya Florida.

Waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaan ololaha Hilarry Clinton.

Shalay, wuxuu cod bixiyayaasha u sheegay in Trump uu halis ku yahay Mareykanka iyo caalamka.

Obama ayaa Trump ku tilmaamay inuusan u qalmin inuu noqdo taliyaha ciidamada xoogga dalka Mareykanka.

Saadaashii ugu dambeysay waxay muujineysaa in laba musharax ay madaxa iskula jiraa marka la eego gobolka Florida.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan