Masar ayaa ogolaatay in lacagteeda lagu iibiyo suuqa lacagaha si xor ah

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Suuq lacago ee Masar

Masar ayaa u ogolaan doonta lacagteeda in suuqa lacagaha lagu iibiyo si xor ah iyadoo la filayo in qiimaha lacagta ay hoos u dhacdo ku dhawaad 50% markii loo badalayo dollar.

Qiimaha ayaa la filayaa inay ka dhigto halkii dollar in lagu iibsado 13 pound-ka Masar, taasoo ahayd markii hore 8.88 pound oo uu bangiga dhexe uu halkaas ku hayay.

Bangiga dhexe ee Masar ayaa sheegay in tallaabadan ay ka mid tahay isbadalo loogu talagalay in lagu kordhiyo kalsoonida dhaqaalaha.

Suuqa saamiyadaha ee ugu muhiimsan ayaa qiimaha shirkadaha ay kordheen in ka badan 8% maanta.

Bangiga dhexe ayaa sidoo kale kordhiyay dulsaarka saddex boqolkiiba oo ka dhigay 14.75%.

Tallaabadan ayaa ah waxyaabo muhiim ah oo ay hayadda lacagta adduunka ee IMF ay ka doonayso Masar, si ay uga qaadato $12 Bilyan oo dollar saddexda sano ee soo socota.

Madaxa howlgalka IMF ee Masar, Chris Jarvis, ayaa sheegay talaabadan inay suurto galinayso in la helo lacago shisheeye oo caawinaysa kororka dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in waddanka caalamka la ganacsado.

Inkastoo xoriyada suuqa lacagaha ay caawin karto in waddanka uu adkeeyo dhaqaalihiisa, waxay adkayn doontaa nolosha dadka reer Masar, alaabada la soo dhoofsadana waxay ka dhigi doontaa qaali.

Isbadal kale ee ay samaynayso ayaa ah in la yareeyo ama la joojiyo lacagta uu waddanka ku kabo shidaalka, si ay u fuliso sharuudaha IMF. Waxay ka jartay mar hore lacagtii ay ku kabi jirtay korontada, waxayna kordhisay sicirka sokorta 40% dadka qaar.

Qiimaha

Masar ayaa soo dhoofsata ilaa 33% sokorta ay u baahan tahay, laakiin lacagta qalaad oo ku yar awgeed ayaa ganacsatada ay ku adkaatay inay dibadda ka soo iibsadaan sokorta.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dowladda ayaa qaybinaysa sokor raqiis ah

Milatariga ayaa qaybiyay cunto oo ay ku jirto sokor raqiis ah si loo caawiyo dadka saboolka.

Masar ayaa la tacaalaysa inay hesho maalgalin lacag shisheeye tan iyo kacdoonkii 2011 ee madaxweyne Mubaarak xukunka looga qaaday.

Tirada dalxiisayaasha ayaa hoos u dhacday, taasoo ahayd meesha lacagta ajnabiga ee ugu badan ka soo gali jirtay waddanka, waxaana hoos u dhacay kalsoonidii maalgashatada caalamiga.

Hadal uu soo saaray bangiga dhexe ayuu ku sheegay inay bilaabeen inay xor ka dhigaan sarifka lacagaha, si loo sameeyo qaab loo helo lacag ajnabi ah mar walba.

Bangiga ayaa iibinaya maanta dollar, iyadoo ogolaanaysa in suuqa uu go'aan ka gaaro qiimaha lacagta Masar markii ugu horaysay sanado.

Bangiyada ayaa la ogolaan doonaa inay furaan laamahooda ilaa 9pm iyo maalmaha nasashada si loo helo waqti ku filan oo wax loo kala iibsado.

Dhaqaalaha Masar ayaa ah kan labaad ee ugu wayn dunida carabta wuxuuna ku xigaa Sacuudi Carabiya.

Mowduucyada la xiriira