UN: Halabaaro xadgudubka ay geysteen ciidamada Myanmar

Ciidamada amniga ee Myanmar ayaa go'doomiyay gobolka Rakhine, tan iyo markii uu dhacay weerarka sagaalka askeri lagu dilay. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada amniga ee Myanmar ayaa go'doomiyay gobolka Rakhine, tan iyo markii uu dhacay weerarka sagaalka askeri lagu dilay.

Saraakiil sarsare oo katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Myanmar ayaa ku biiray baaqyada ah in la sameeyo baaritaano Madax banaan oo ku aadan wararka sheegaya in xadgudubyo ka dhan xuquqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Rakhine.

Baaqyadan ayaa yimid kadib markii kooxo u ololeeyo xuquqda aadanaha ay booqasho ku tageen goobohii ay mashaqadu ka dhacday oo an ka fogeyn xadka Mnayamar ay la wadaagto Bangladesh.

Sagaal kamid ciidamada Poliska dalka Mnayamar ayaa la dilay, seddax isbuuc kahor, wixii intaa ka dambeeyana wararku waxaa ay sheegayen in Ciidamada ay kufsi, bililiqo, iyo dilal qorsheysan ka geysteen gobolkaasi.

Afhayeen u hadlay dowlada wuxuu BBC-da u sheegay in ay eegayaan codsiga ah in la sameeyo baritaanno Madax banaan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan