Clinton iyo Trump oo natiijo ahaan aad isugu soo dhowaanaya

Trump iyo Clinton Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Trump iyo Clinton

Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa wada soo afjaridda ololaha doorashada ayagoo marba gobol u duulaya.

Aftidii ugu dambeysay ee la qaaday waxay muujineysaa in Clinton ay weli hogaamineyso, lakiin aad bay isugu dhow yihiin labada musharax.

Clinton Waxay bedeshay jadwalkeeda ay ku booqan lahayd meelo la filayay laba isbuuc ka hor inay ayada u codeeyaan.

Weriye ka tirsan BBC-da wuxuu sheegay in hadda labada dhinacba ay ku loolamayaan sidii ay codad badan uga heli lahaayeen gobollada tartanka uu ka socdo.

Hillary Clinton ayaa ka qeybgashay xaflad uu qabtay fanaanka Jay-Z oo ka dhacday Ohio.

Waxay dooneysaa in dadka Asalkoodu Afrikaanka yahay ay si weyn uga qeybgalaan doorashada.

Illaa Jimcihii, 37 milyan oo cod ayaa la dhiibtay taasi waxay muujineysaa in codadka la dhiibtay ay ku dhow yihiin kuwa 2012kii.

Balse, dadka Afrikaanka ah codad kooda ayaa weli aad u hooseeya, waxaana la sheegayaa in dadka Latin Amerika ka soo jeeda ay si weyn u codeeyeen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan