Al-Qacida oo hogaamiye sare looga dilay Afghanistan

Mareykanka ayaa bartilmaameedsada hogaamiyayaasha Al-qacida iyo Taliban ee dalka Afghanistan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mareykanka ayaa bartilmaameedsada hogaamiyayaasha Al-qacida iyo Taliban ee dalka Afghanistan

Waaxda difaaca ee Mareykanka waxay sheegeysaa in ay duqeyn ku dishay hogaamiye sare oo ka mid ahaa Al-Qacidada Afghanistan, Faruq al-Qaxtani.

Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday gobolka Kunar.

Mareykanka ayaa Qaxtani ku sheegay inuu ahaa amiirka Al-qacida ee bariga Afghanistan.

Waxay sidoo kale ku sheegeen inuu ahaa mid ka mid ah dadka abaabula weerarada ka dhanka ah Mareykanka.

Duqeynta oo la sheegay in la fuliyay bishii October, waxaa sidoo kale lala eegtay hogaamiye kale oo Al-Qacidda ah oo lagu magacaabo Bilal Al-Utabi.

Balse macadda in Al-Utabi uu ku dhintay weerarkaasi iyo in kale.

Warbixin ay Jimcihii soo saartay UN ayaa lagu sheegay in dagaal yahannada daacadda u ah Al-Qacida ay si aad ah ula howlgalayaan Talibaan intuu socday duullaanka Afghanistan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan