Waraysi:  Dad abaartu saamaysay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Dad abaartu saamaysay

Abaarta ba'an ee saamaysay deegaanno badan oo ka mid ah dhulka Soomaalida ayaa keentay in dadkii xoolahooda ku waayay ay u hayaamaan magaalooyinka.

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa soo gaaray qoysas abaarta ay soo barakicisay, waxaana ay hadda badankood ku nool yihiin xero ku taalla dibedda magaalada.

Qoysaskaasi ayaa ka cabanaya nolol xumo iyo nafaqo-darro haysata carruurtooda.

Waxaa dadkaasi ka mid ah Farxiyo Cabdi Aadan oo qoyskeedu uu ka kooban yahay 11 qof.

Khadka telefoonka ayay ugu warrantay weriyaha BBC Suheyba Maxamed Badqas.