Trump: Hillary ayaa loogu xaglinayaa doorashada

Lahaanshaha sawirka Image copyrightEPA
Image caption Ku dhawaad 42 milyan oo qof ayaa horey codadkooda u dhiibtay.

Donald Trump ayaa mar kale sheegay in doorashada madaxtinimada Mareykanka loogu xaglinayo Hillary Clinton.

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya kaddib markii waaxda dambi barista ee FBI ay sheeghtay in aysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Hillary ay gaysatay dambi marka la eego farriimo Email oo ay ka dirtay cinwaankeeda khaaska ah.

Trump ayaa ka sheegay goob fagaare ah oo ku taala Michigan in FBI-du asyan baari karin 650, 000 oo email muddo siddeed maalmood gudahood ah.

FBI-da ayaa arrintan shaacisay ku dhawaad saddex maalmood ka hor inta aan loo dareerin goobaha codbixinta ee dalka Mareykanka, waxaana arrintan ay fursad u noqotay xisbiga Dimuquraadiga.

Kooxda ololaha doorashada ee Clinton ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in arrintaan haatan xal laga gaaray.