Otmar Issing oo wax ka aasaasay lacagta euro ayaa ka digay inay burburto

Otmar Issing Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Otmar Issing ayaa ka mid ahaa dadkii wax ka aasaasay lacagta euro

Otmar Issing oo wax ka aasaasay lacagta euro ee waddamada Yurub ay qaar isticmaalaan, ayaa bixiyay digniin adag, isagoo sheegay inaan lagu darin hab looga baxo midowga lacagta inay ahayd qalad.

Prof Otmar Issing ayaa BBC u sheegay in qaladyo ay jiraan, isagoo sheegay inay ka mid yihiin hoos u dhaca dhaqaalaha ee Gariiga, Portugal iyo Talyaaniga.

Dhaqaalyahanka oo ka tirsanaan jiray bangiga dhexe ee Yurub ayaa sidoo kale ka digay saamaynta ay yeelan doonto dulsaarka aad u hooseeya.

Wuxuu sheegay cadaadis siyaasadeed inuu qatar ku yahay madaxbanaanida bangiga dhexe ee Yurub.

Prof Issing, ayaa u sheegay BBC in dhibaatooyinka dhaqaale ee Yurub iyo taageerada dadka oo yaraanaysa waddamada qaar inay tahay dhibaatooyinka ugu wayn.

Lacagta euro ayaa "degan oo si ka fiican sidiii la filayay u shaqaynaysa" ayuu yiri. "Laakiin sidaas oo kale kuma tilmaami karo waddamada Yurub"

Waddamada dhaqaalahooda uu hoos u dhacay waqtigii dhibaatooyinka dhaqaale ee 2008 ayaa wali ku jira hoos u dhac dhaqaale.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Bangiga dhexe ee Yurub ayaa dajiya siyaasada lacagta euro ee ay waddamada Yurub qaar ay isticmaalaan

Prof Issing, ayaa sanadihii danbe ka shakisanaa barnaamijka midowga lacagta euro oo uu wax ka caawiyay, ayaa ka digay inay burburi doonto hadaan la samayn isbadal.

Wuxuu BBC u sheegay inay ahayd "qalad in dadka xubinta ka ah midowga lacagta inaysan ka bixi karin".

Taasi micnaheedu wuxuu yahay waddamada aan fulin sharciyada dhaqaalaha iyo miisaaniyada inay waddamada kale ay saamayn ku yeelanayaan.

In loo ogolaado inay si ku meel gaar ah uga baxaan, tusaale ahaan, in loo ogolaado Gariiga inay si ku meel gaar ah uga baxaan lacagta euro waxay ka caawin lahayd Gariiga inay isbadal ku samayso dhaqaalaheeda oo ay dib ugu soo noqoto lacagta euro markii uu dhaqaalaheedu uu hagaago.

Waddamada qaar ma ahayn inay ku biiraan lacagta euro markii hore, "Diyaar ma aysan u ahayn in dhaqaalahooda uu ku shaqeeyo."

Mowduucyada la xiriira