Trump iyo Clinton oo ku jira saacadihii ugu dambeeyey ololahooda

Clinton waxay boqolkiiba 4 dhibcood ka horraysaa Trump Lahaanshaha sawirka AFP/REUTERS
Image caption Clinton waxay boqolkiiba 4 dhibcood ka horraysaa Trump

Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa wada saacadihii u dambeeyey isu soo baxyada ololahooda doorashada. Afkaarta dadka laga uruuriyey ayaa muujinaysa in Mrs Clinton ay ninka ay iska soo horjeedaan ee xisbiga Jamhuuriga ku hogaaminayso boqolkiiba 4 dhibcood.

Image caption Farqiga xagga afkaarta dadweynaha ee u dhaxeeya labada murashax

Mr Trump ayaa ugu sheegay taageerayaashiisa Florida in doorashada ay tahay fursaddii ugu dambaysay ee ay ku diidi lahaayeen dabaqad uu ku tilmaamay in musuq uu hareeyey.

Isu soo bax ka dhacay magaalada Pittsburgh ayey Mrs Clinton kaga codsatay taageerayaasheeda xisbiga Dimoqaraadiga inay u codeeyaan Ameerika rajadeedu wayn tahay oo loo wada dhan yahay.