Magaalada Hargeysa, xisbiga mucaaraka ah ee UCID ayaa maanta shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen ka soo saaray go'aamo ay ugu codeeyeen inay laaleen heshiis hore ay ula galeen garab.
Garabka ayaa ku soo biiray 2012 oo ay hogaaminayeen Jamaal Cali Xuseen iyo Cali Maxamed Yusuf oo ka tirsanaa xisbigii UDUB.
Shirweynaha siduu u dhacay iyo garabka ay sheegeen inay ka saareen xisbiga UCID oo aan joogin shirka, Wariyaha BBC Axmed Saciid Ciga ayaa ka waramaya.
Jamaal Cali Xuseen ayaa ka Jawaabay go'aanka oo sheegay in ay Faysal Cali xilka ka qaadeen xilka.