Doorashada Maraykanka: Shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar Lahaanshaha sawirka AFP

Ilhaan Cumar oo 34 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka.

Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan.

  • Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah
  • Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab
  • Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah
  • Eryada Ingirriska ee ay garaneysay markii ay Maraykanka gaartay waxay ahaayeen "hello'' iyo ''aamus'' oo kali ah
  • Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Gabar Soomaaliyeed oo u tartameysa aqalka wakiilada Minnnesota

Khudbad ay jeedisay markii loo doortay xilkaasi ayaa waxay tiri, "Waxaad horay iigu oran jirteen waxaan kuu rajeynaynaa guul, balse caawa guushii waan gaarnay. Guushan waxay ku timid dadaalkii aad gasheen. Waad i aaminteen. Markii aan ololahan billaabay Soomaalida way i garab istaagtay. Waxay ogsoonyihiin in taariikhda aan sameynay ayaa saameyn ku yeelan doonto mustaqbalka gabdhaheena"

Lahaanshaha sawirka AFP