Bannaanbaxyada lagu diidan yahay Trump oo sii kordhay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Banaanbaxyo lagu diiddan yahay Donald Trump

Mudaaharaadyo dheeraad ah oo lagu diidan yahay Donald Trump ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka.

Booliska gobolka Oregon ayaa sheegay inay la tacalayaan mudaaharaadyo rabshada wato iyo qarbudadaad.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay Oregon

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la xiray iyagoo dhagxaan ku tuurayo booliska.

Magaalooyinka ay mudaaharaadyadaasi ka dhaceen waxaa ka mid ah Los Angeles, Philadelphia, Denver, iyo Minneapolis.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dibadbaxayaasha Minneapolis ayaa jidgooyooyin dhigay waddooyinka

Miyay tahay in laga cabsado guusha Trump?

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen 'ma aha madaxweynahayga', kalmadaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada gudaha Maraykanka.

Mar sii horreysay Mr Trump ayaa dibadbaxyadani ku sheegay kuwa aan xaq ahayn, waxa uuna ku eedeeyay warbaahinta inay kicinayaan dadweynaha.

Khamiistii ayuu Mr Trump Aqalka Cad kula kulmay madaxweyne Obama si ay uga wada hadlaan kalaguurka.

Obama iyo Trump oo kulmay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Nyoka apatikana kwenye ndege Mexico

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan