Soomaaliya: Doorashada Aqalka Hoose oo socoto

Doorashada baarlamaanka Lahaanshaha sawirka UNSOM
Image caption Doorashada baarlamaanka

Ka dib dib u dhac labo isbuuc ah waxaa dib u billowday doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaliya. Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ayay ka socdaan.

Labaddan maamul goboleed ayaa ilaa iyo hadda doortay qaar ka mid ah tirada xubnaha loo asteeyay, waxaana doorashadan lagu tilmaamay mid si nabdoon oo hagaagsan u dhacday.

Amaanka goobahan doorashada ayaa la adkeeyey waxaana sugayay amaanka ciidamada Soomaalida iyo kuwa Amisom.

Kismaayo 43 xilibaan ayaa loo asteeyey aqalka hoose. Waxayna u dhacday doorashadan si haboon. Todobo xilibaan oo shalay la doortay ayaa sadax ka mid ah waxay yihiin dumar.

Maalmaha soo socda ayaa la sii wadi doonaa doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka deegaanada Puntland,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Maamulka Hirshabeele weli ma billaabin hanaanka doorashada baarlamaanka.

Guud ahaan 275 xilibaan ayaa laga rabaa in la doorto d guud ahaan dalka oo dhan.