Maxkamad ku taal Itoobiya oo Soomaali xabsi ku xukuntay

Al Shabaab ayaa marar badan wacad ku martay inay weerari doonto Itoobiya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Al Shabaab ayaa marar badan wacad ku martay inay weerari doonto Itoobiya

Sideed qof oo Soomaali ah oo 2013-kii lagu xiray Itoobiya ayaa lagu xukumay xabsi ka dib markii lagu eedeeyay dembiyo la xiriira argagixisnimo.

Waxaa lagu xukumay inta u dhexeyso 2 ilaa 9 sano ka dib markii lagu helay inay si sharci darro ah ku galeen Itoobiya iyo inay isku deyeen inay weeraraan goobo ku yaalla caasimadda Addis Ababa.

Waxaa raggani lagu eedeeyay inay isku dayayeen inay qarxiyaan goob lagu daawanayay ciyaarta isreebreebka koobka Qaramad Afrika oo dhexmareysay Itoobiya iyo Nigeria.

Al Shabaab ayaa marar badan wacad ku martay inay weerari doonto Itoobiya oo kumanaan ciidammo ah ay ka joogaan Soomaaliya. In badan oo ka mid ah ciidammadaasi waxay qayb ka yihiin AMISOM.

Bishii la soo dhaafay ciidammada Itoobiya ayaa billaabay inay qeyb ka mid ah ciidammadooda kala baxaan Soomaaliya, ka dib markii dowladda Itoobiya ay sheegtay inay culeys dhinaca dhaqaalaha ah la kulantay.