Shuban biyood laga soo sheegay deegaanno ka tirsan Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shuban biyood laga soo sheegay deegaanno ka tirsan Somaliland

Abaaraha ka taagan deegaanno badan oo Somaliland ah ayaa dhaliyay xannuuno iyo nafaqa darro soo wajahday dad u badan reer guraaga hayaamaya.

Xannuunka shuban biyoodka ayaa laga soo sheegayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolada Sanaag iyo Togdheer, halkaasi oo ay saamaysay abaarta ba'an ee hadda jirta.

Dr Axmed Maxamed Jaamac oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howlgasha magaalada Ceerigaabo ayaa BBC u sheegay in 80 qof oo carruur u badan ay ka daweeyeen shuban biyood.

Khadka taleefoonka ayuu ugu warramay Suheyba Maxamed Badqas.