Somaliland oo qaaraan u ururineysa dadka ay abaarta saamaysay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo qaaraan u ururineysa dadka ay abaarta saamaysay

Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday qaaraan laga ururinayo ganacsatada iyo shaqaalaha dowladda, kaasoo loogu gargaarayo dadka ay abaarta ku saamaysay gobolada qaar.

Somaliland ayaa sheegtay in qiyaastii hal milyan iyo bar qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah abaarta awgeed.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed waa wasiirka diinta iyo awqaafta, wuxuuna ka mid yahay guddi culimo iyo ganacsato u badan oo qaaraanka abaarta lagu ururinayo.

Waxa uu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.