Bataclan-ka Paris oo dib loo furay

Bataclan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Masraxa Bataclan oo dib loo furay

Sanad ka dib weerarradii ka dhacay Paris ee ay ku dhinteen 130-ka qof, ayaa waxaa dib u furmay hoolka ruwaayadaha lagu dhigo ee Bataclan.

Dadka usoo daawasho tegay xaflada furitaanka ayaa waxa ay daqiiqad u aamuseen 89-kii qof ee halkaasi ay ku dileen raggii hubeysnaa.

Fannaanka caanka ah ee Sting oo xaflada furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in aan la hilmaami doonin dadkii halkaa ku dhintay.

Dhaqaalaha laga ururiyo bandhiga xalay halkaasi lagu sameeyay ayaa waxaa loogu deeqi doonaa hay'ado caawinaya dadkii ka badbaaday weerarkaasi.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in dad ka badan lix boqol weli laga daweynayo xannuun maskaxda ah oo soo gaaray markii ay weerarradaasi dhacayeen.