Tobanaan ku dhimatay qarax ka dhacay Pakistan

Pakistan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qarax dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Pakistan

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in dad ka badan 50 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay goob ay Suufidu leedahay oo ku yaalla meel waqooyiga kaga beegan magaalada Karachi.

Dadka qaraxaasi ku dhaawacmay ayaa tiradooda lagu qiyaasay boqol qof.

Qaraxa ayaa dhacay maqribkii, xilligaasii oo dad ka badan 500 oo qof ay ku xadraynayeen goobtaasi.

Gawaaridda gurmadka degdega ah ayaa lagu soo warramaya in ay saacado ku qaatay in ay gaaraan deegaankaasi go'doonsan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya bilooyin ka dib markii Amjad Sabri, oo ahaa shaacir Suufi ah, toogasho lagu dilay gudaha magaalada Karachi.