Barakacayaasha Gaalkacyo oo ka baqaya in ay guryahooda ku laabtaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaasha Gaalkacyo oo ka baqaya in ay guryahooda ku laabtaan

Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay dagaallada kusoo noq-noqday magaalada Gaalkacyo ayaa go'aansaday in ay ku noolaadaan xero ay ka samaysteen deegaanka Calmadow ee duleedka magaaladaasi.

Qoysaskaasi ayaa ahaa barakacayaal ku nool xerada Al-Aamin, waxaana dhowr jeer ku kor dagaallamay xooggaga Puntland iyo Galmudug ee isku haya magaaladaasi.

Dadkaasi ayaa BBC-da u sheegay in aanay dareemeyn ammaan, isla markaana ay ciidammada weli isku hor fadhiyaan aagagaasi, walow dhawaan heshiis nabadeed ay kala saxiixdeen madaxda labada maamul.

Kaltuun Yuusuf Ibraahim waxa ay ka mid tahay barakacayaashaasi, Suheyba Maxamed Badqas ayay uga warrantay sababta ay u go'aansadeen in aanay dib ugu laaban guryahooda.