Trump oo ka hadlay dadka uu tarxiilayo

Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump

Donald Trump ayaa sheegay in muhaajiriin tiradoodu dhexeyso 2 ilaa 3 milyan, oo sharci darro ku jooga Maraykanka uu tarxiilo doono marka uu xafiiska la wareego.

Mr Trump oo wareysi siiyay telefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CBS, ayaa sheegay in si gaar ah uu u beegsan doono kuwa dembiyada galay, kooxaha burcadka ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada ee ka mid ah muhaajiriintaasi.

Waxa uu intaa ku daray in masiirka sideeda milyan ee dheeraadka ah ee sharci darrada ku jooga Maraykanka, go'aan laga gaari doono marka la adkeeyo ammaanka xuduudaha dalkaasi.

Mr Trump ayaa sheegay in qeyb ka mid ah derbiga uu ballanqaaday in uu ka dhisayo soohdinta uu dalkiisa la wadaago Mexico, uu noqon doono silig.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan