Ciidammada Soomaaliya oo kaabiga u saaraan Tiyeeglow

Ciidammada Soomalaida

Wararka laga helayo gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidammada Dawlada iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ku sii dhawaanayaan magaalada Tiyeeglow oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab.

Shabaabka ayaa la wareegay magaaldaasi dhammadka bishii October narkaasoo ciidammada Itoobiya oo gacanta ku hayay ay isaga baxeen.

Itoobiya ayaa ka bixitaankaasi ku sheegtay inay ugu wacantahay cadaadis dhinaca dhaqaalaha ah.

Ciidammada dowladda iyo kuwa maamulka ayaa la sheegay in maalmo ka hor ay ka tageen magaalada Xudur iyagoo hadda ku sugan duleedka magaalada Tiyeeglow.

Xooggga Al Shabaab ayaa ku sugan gudaha magaalada, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal halkaa ku dhexmaro labada dhinac.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay la wareegi doonaan dhammaan deegaanadii ay dhowana qabsatay Al-Shabaab markii ay ciidammada Itoobiya ay baneeyeen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan