Wareysi: isbadalka cimiladda aduunka- Dr Cadbulaahi Cimi Maxamed (Asad)
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: arrimaha isbeddelka cimilada adduunka- Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed (Asad)

Sanadkan 2016 ee ay labada bilood ka dhiman tahay wuxuu ku socdaa kii ugu kulula dunidda tan iyo intii la bilaabay diiwaangalinta isbadelka cimilada aduunka,sidaas waxaa kaga dhawaaqay shirka cimilada ee Moroco ka socda ururka adduunka u qaabilsdan saadasha hawada.

Ergooyinka shirka fadhiya waxay walaac ka muujiyeen raadka uu reebi karo hadalkii madaxweyne la doorta ee Mareykanka Donald Trump oo horey u sheegay in arrinta isbedelka cimiladdu ay tahay mid la iska dhoodhoobay.

Haddaba Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed (Asad) oo ku takhasusay deegaanka iyo biyaha oo deggan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa wuxuu uga waramay Cabdinuur Sheekh Maxamed oo BBC ka tirsan bal sida Soomaalida uu u samaynnayo isbadalkan iyadoo ay soo baxayaan abaaro ba'an ay heystaan gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah iyo waliba Bariga Afrika.