Jaamacada Oxford ayaa bixinaysa waxbarasho koorsooyin lacag la'aan ah ee 'Mooc'

Jaamacada Oxford Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Jaamacadda Oxford ayaa ka mid noqon doonta koorsooyinka ay bixiyaan Mooc markii ugu horaysay.

Jaamacada Oxford ayaa ku dhawaaqday inay bixinayso markii ugu horaysay koorsooyinka internetka ee Mooc - "massive open online course" iyadoo kaashanaysa jaamacadaha Maraykanka ee bixiya koorsooyinka internetka.

Koorsooyinka oo lacag la'aan ah ayaa aad looga jeclaaday boqolaal jaamacadood waxayna leeyihiin malaayiin arday.

Laakiin ilaa hadda Oxford ma aysan bixinayn koorsooyinka Mooc.

Waxay bixin doontaa koorsooyin dhaqaalaha iyadoo kaashanaysa habka internetka ee edX, ee ay abaabuleen jaamacada Harvard iyo Massachusetts Institute of Technology.

Koorsooyinka Mooc ee soo baxay sanooyinkii ugu danbeeyay ayaa ahaa wax ku cusub waxbarashada sare, gaar ahaan Maraykanka.

Taageerayaasha waxbarashada noocan ayaa ku dooday in waxbarashada internetka ay helayaan dad badan si raqiis ah, halka dadka dhaleecaynaya ay sheegeen in waxbarida faslka iyo fikrad isdhaafsiga aan laga samayn karin internetka.

Waxay sidoo kale ka digeen ardayda tirada badan ee ka haraysa waxbarashada Mooc iyo in ardayda aysan helayn shahaadada degree-ga.

'Meel ka baxsan fasalada Oxford'

Jaamacada Oxford ayaa koorsooyin ku bixisa internetka, oo ay ka mid yihiin kuwo ay ku bixiso iTunes U iyo kuwa ay bixiso kuliyadeeda sii wadashada waxbarashada (department for continuing education.)

Laakiin ilaa hadda ma aysan samayn koorsooyinka lagu bixiyo Mooc oo ay bixiyaan haydaha internetka, sida edX iyo Coursera ee Maraykanka iyo FutureLearn ee UK.

Lahaanshaha sawirka Harvard X
Image caption Oxford ayaa ku biiraysa edX ee waxbarashada internetka ee ay dhigtaan sagaal milyan oo arday

Hay'adahan ayaa bixiya koorsooyin internet oo lacag la'aan ah, oo ay heli karaan ardayda meel walba oo ay joogaan adduunka.

Jaamacada Oxford ayaa hadda ku dhawaaqday inay bilaabayso inay u qorto ardayda koorso bilaabanaysa Febraayo 2017-ka, oo magaceeda la yiraahdo: "From Poverty to Prosperity: Understanding Economic Development".

Waxay ka mid noqon doontaa koorsooyinka internetka ee lagu bixiyo edX , oo ay dhigtaan sagaal milyan oo arday, waxaana lagu dhigtaa 900 oo koorsooyin oo ay bixiyaan jaamacadaha Harvard, MIT, Berkeley ee Maraykanka, Peking ee Shiinaha, Sorbonne ee Faransiiska, Edinburgh iyo Imperial College London ee UK.

Koorsdaa ayaa ka hadli doonta qaybta ay dowladda ka qaadato horumarka dhaqaalaha waxaana hogaamin doona Sir Paul Collier, oo ah professor maadada economics iyo public policy ee kuliyada Blavatnik ee iskuulka cilmiga dowladda.

Ngaire Woods, oo ah gudoomiyaha Blavatnik, ayaa sheegay in koorsooyinka internetka ay yihiin "sida ugu fiican ee lagu faafin karo tacliinta oo ka baxsan fasalada Oxford"

Prof Woods ayaa sheegay in kuliyadda ay muhiimada saarayso sidii loo hormarin lahaa dowladda, taasna waxay ku xiran tahay "shaqaale tacliin leh, macalimiin, hal abuurayaal ganacsi, suxufiyiin, iyo bulshada".

Madaxa Coursera ee waxbarashada internetka, oo ay dhigtaan in ka badan 20 milyan oo arday, ayaa dhawaan saadaalisay in shan sano gudahood ay jaamacadaha waawayn bixin doonaan shahaadada degree-ga oo internetka lagu baranayo.

Mowduucyada la xiriira