Duqeyn loo geystay isbitaal ku yaalla Xalab

Duqeynta Xalab Lahaanshaha sawirka AP

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ay duqeeyeen cisbitaal ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Waa goobtii caafimaad ee saddexaad ee mudadii afar iyo labaatanka saacadood ee la soo dhaafay ahayd la duqeeyay.

Xarunta la socodka xadgudubyada xuquuda aadanaha ee Suuriya oo diiwaan gelisa gabood fallada dhaca, ayaa sheegtay in ugu yaraan qof keli ahi ku dhintay weerarkan lala beegsaday tuulan ay fallaagadu gacanta ku hayaan.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay sare u kacay ololaha duqeynta Ruushku uu ku hayo magaalada Xalab. Isniintii isbitaalada Atareb iyo Kafrnaha ayaa gantaallo lagu dhuftay.

Qaar ka mid ah bukaanadii ku jiray isbitaaldaasi ayaa loo wareejiyay isbitaalka Awajiel oo isna markii labaad gantaal lagu dhuftay.