Cabdulaahi: Xerada dhadhaab ayuu ku noolaa hadana waa xildhibaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdulaahi xerada dhadhaab ayuu ku noolaa hadana waa xildhibaan

Cabdullaahi Sheikh Cabaas oo ku guulaystay doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa isagoo yar la gayeey xeradda qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wuxuu kaga guulaystay wasiiru-dawlaha warfaafinta maamulka Jubbaland Maxamed Cabdi Xasan ka dib markii ay ku tartameen kursigaas.

Wariyaha BBC-da Cabdullaahi Sheikh Cabdirisaaq ayuu uga waramay guusha uu gaaray iyo sida uu yahay dareenkiisu.

Cabdullaahi waxaa u doortay inuu noqdo xildhibaan ergooyinka doorashada aan tooska ahayn ee 2016-ka.