Xaaladda abaarta Soomaaliya oo sii xumaaneysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda abaarta Soomaaliya oo sii xumaaneysa

Waxaa ka sii daraya abaarta ku dhufatay qeybo ka mid ah Soomaaliya. Puntland ayaa ka mid ah goobaha ugu daran.

Maamulka Puntland ayaa shir ku qabtay halkaasi waxaana ka qeybgalay qeybaha bulshada.

Waxaa kullankaasi lagu soo bandhigay sida ay xaaladda abaarta u sii xumaaneyso.

Waxaa looga dhawaaqay halkaas I gurmad degdeg ah la sameeyo.

Cabdullahi Xaashi (qoob-deero), wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland, ahna gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa Axmed Xaji Xasan uga warramay kullankaasi iyo sida abaarta ay shacabka u saameysay.

Mowduucyada la xiriira