Madaxweynaha Suuriya oo saaxiibtinimo ka filaya Donald Trump

Asad ayaa horey Mareykanka kusheegay "inay moodaan in caalamka ay ayaga masuul ka yihiin ". Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Asad ayaa horey Mareykanka kusheegay "inay moodaan in caalamka ay ayaga masuul ka yihiin ".

Madaxweynaha dalka Suuriya, Bishaar Al-Asad ayaa sheegay in Donald Trump uu noqonayo "saaxiib dabiici ah", haddii uu meel mariyo ballanqaadyadiisa ladagaallanka "argagixisada".

Laakiin Asad wuxuu sheegay inuu eegayo sida madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu u badalayo siyaasadda dalkiisa ee ku wajahan Suuriya.

Intuu ku jiray ololaha doorashada, Donald Trump wuxuu si ku celcelis ah u ballanqaaday inuu tirtirayo dagaal yahanada ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Arrimantaasi ayuu ku dhawaaqay xilli uu su'aal geliyay siyaasadda maamulka Obama ee uu ku taageeray mucaaradka dalka Suuriya.

Hadalka Bishaar Al-Asad ayaa imaanaya ayadoo Ruushka uu dib u bilaabay duqeyntiisa ka dhanka ahayd mucaaradka Suuriya.

Maamulka Moscow wuxuu sheegayaa in duqeynta cusub lala eeganayo ururka la baxay Khilaafada Islaamka iyo Al-qacida. Ruushka ayaa intaa ku daray inay duqeynayaan gobollada Idlib iyo Xumus.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareysay duqeynta cusub, waxayna sheegtay inay hayso warar sheegaya in dad rayid ah iyo cisbitaallo la duqeeyay.

Duullaanka cusub ee Ruushka ayaa ku soo aadaya maalin ka dib markii madaxweyne Putin uu arrinta Suuriya kala hadlay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan