Qaxootigii Dhadhaab ee Muqdisho tegey oo cabanaya

Waxay ka cabanayaan inaysan helin wixii loo ballan qaaday.
Image caption Waxay ka cabanayaan inaysan helin wixii loo ballan qaaday.

Qaar kamid ah qoysaskii dib uga laabtay xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya ee tagay magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in aan loo samayn balanqaadyadii dalka dib loogu soo celiyay markii ay ka soo tagayeen xeryaha Dhadhaab.

Qoysaskaasi waxa ay sheegeen in markii hore loo sheegay in dib u dajin iyo waxbarasho la siin doono, laakiin ilaa hadda aanay jirin caruur kuwooda ah oo tagay iskuul.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayay uga warameen cabashada ay qabaan.