Putin oo saxiixay in dalkiisu ka baxo maxkamadda ICC

Xeerka uu Putin saxiixay ayaa Ruushka u saamaxaya inuu ka baxo Maxkamadda ICC. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xeerka uu Putin saxiixay ayaa Ruushka u saamaxaya inuu ka baxo Maxkamadda ICC.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa saxiixay xeer Ruushka u saamaxaya inuu ka baxo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC).

Ruushka ayaa wax ka saxiixay heshiiskii lagu unkay maxkamaddaas fadhigeedu yahay magaalada The Hague, sannadkii 2000, laakin marnaba ma uusan meel marin.

Horraantii todobaadkan ayaa dacwad ooge ka tirsan maxkamadda ICC wuxuu soo saaray warbixin ku saabsan ku darsamiddii uu gobolka Crimea ku darsamay Ruushka, ka dib dagaal dhex maray Ruushka iyo Ukraine oo Ruushka loo arkay inuu duullaanka soo qaaday.

Sharciyadda maxkamadda ICC ayaa ku qotonta afar rukun oo ah dambiyada caalamiga, waxayna kala yihiin xasuuq, dambiyada dhanka ka ah bani'aadminimada, dambiyada dagaalka, iyo dambiyada duullaanka.