Trump oo maanta la kulmaya Ra'iisal wasaaraha Japan

Faahfaahin lagama bixin kulanka labada mas'uul Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Faahfaahin lagama bixin kulanka labada mas'uul

Ra'iisal wasaaraha Japan ayaa noqon doona hogaamiyihii u horreeyay ee Ajnabi ah ee la kulma madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump, tan iyo markii la doortay sanadkii hore.

Shinzo Abe ayaa sheegay in uu doonayo in uu dhiso "is aaminaad" uuna kala shaqeeyo sidii adduunku u noqon lahaa mid xasiloon, ka hor inta uusan dhamaanin safarkiisan.

Kulankan magaalada New York ayaa imaanaya iyada oo bartanka lagaga jiro walaaca ku aadan saaxiibka ugu way nee ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Tokyo.

Trump ayaa sheegay in dawladda Japan looga baahan yahay in ay bixiso lacag dheeraad ah haddii ay doonayso in ciidammada Maraykanku ay sii joogaan dalkooda.

Waa kuma Donald Trump?

Obama iyo Trump oo kulmay

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Waxaa kale oo uu dhaliilay heshiiska ganacsiga ballaaran ee Madaxwayne Obama uu lawado Japan iyo dalalka kale ee cirifka badda Pacific dhaca.

Japan iyo Maraykanka ayaa xulafo ahaa tan iyo wixii ka dambeeyay dhamaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, markaas oo Maraykanku ka caawiyay Japan in ay dhaqaalahooda dib u dhisaan.

Abe ayaa ku sii hakanaya magaalada New York isaga oo ku sii jeeda shirka ganacsiga ee Asia-Pacific oo ka dhacaya dalka Peru

Laakiin faahfaahin badan lagama hayo kulanka ay yeeln doonaan Abe iyo Trump maanta.

Trump iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa la doortay Mike Pence ayaa la hadlay 29 hogaamiye oo caalamka oo dhan ku kala sugan tan iyo intii la doortay, sida lagu sheegay war ay soo saareen kooxda kala guurka Trump

Ma cadda cidda Trump ku wehelin doonta shirka Abe.