Dadweynaha Kenya: Ciidammadeena ha ka soo baxaan Soomaaliya

Ciidammada Kenya ayaa ku sugnaa Soomaaliya tan iyo sanaddii 2011-ka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada Kenya ayaa ku sugnaa Soomaaliya tan iyo sanaddii 2011-ka

Inta badan dadweynaha Kenya waxay doonayaan in ciidammadooda jooga Soomaaliya ee la dagaalamaya kooxda Shabaab ay ka soo baxaan dalkaasi, sida lagu sheegay daraasad maanta shaaca laga qaaday.

Hay'ad lagu magacaabo Twaweza oo cilmi-baaristan sameysay ayaa sheegtay in 70% dadweynaha Kenya aysan raali ka ahayn joogitaanka ciidammadooda ay joogaan Soomaaliya.

In badan oo ka mid ah dadweynaha Kenya waxay aaminsan yihiin in Shabaabku uu khatar ku yahay amnigooda.

53% ka mid ah dadkaasi ayaa ku baaqay in ciidammada Kenya lagu soo celiyo xadka dhinaca Kenya oo aysan u u tallaabin gudaha Soomaaliya.

Dadweynaha ayaa taageero ballaaran u muujiyay isku dayga ay dowladdu ku dooneyso inay ku xirto xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya.

80% dadkii la wareystay waxay sheegeen inay doonayaan in si deg deg ah loo xiro xeryahaasi oo hoy u ahaa qaxootiga Soomaalida in ka badan 20 sano.

Ciidammada Kenya oo qeyb ka ah xoogagga nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku sugnaa Soomaaliya tan iyo sanaddii 2011-kii.