Hayadda IEA ayaa ka digtay shidaalka inuu ku yaraanayo caalamka maalgalin la'aan darteed

A man rides a camel through the desert oil field and winter camping area of Sakhir, Bahrain. Lahaanshaha sawirka AP

Hayadda caalamiga ee IEA ayaa sheegtay hadaan lacag badan lagu maalgalin baaritaanka iyo dhisida shaldhigyo cusub ee shidaalka, in shidaalka uu yaraan doono markii la gaaro sanadaha ugu horeeya ee 2020.

Taas ayaa keeni doonta in sicirka uu kordho mar kale, ayay sheegtay IEA, oo ah haya'd madaxbanaan oo ay xubin ka yihiin labaatan iyo sagaal waddan.

Maalgashiga lagu sameeyo saldhigyo cusub ee shidaal ayaa sandkii hore gaaray meeshii ugu hoosaysay tan iyo 1950.

"Waxaan ku qiyaasaynaa, hadii ansixinta maalgalinta saldhigyo cusub ay hoosayso sanadka 2017, markaas waxay noqonaysaa in la heli waayo shidaalka loo baahan yahay sanadaha ugu horeeya markii la gaaro 2020 ayay sheegtay IEA.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maalgashiga lagu sameeyo baarista iyo soo saarka shidaalka ayaa hoos u dhacay sanadihii ugu danbeeyay

Shidaalka tirada badan ee suuqa yaala ayaa sanadihii ugu danbeeyay sicirka hoos u dhigay.

Waxay hoos uga dhaceen meeshii ugu saraysay ee ay gaareen oo ahayd $100 barmiilkii sanadkii 2014, iyadoo uu sanadkan horaantiisii uu gaaray wax ka yar $30 barmiilkii.

Sicirka dhacay

Sicirka oo hoos u dhacay awgeed, maalgalinta saldhigyo shidaal oo cusub ayaa hoos u dhacay isagoo ahaa $780bn 2014-kii, wuxuuna noqday $580bn 2015-tii halka uu sanadkan uu gaaray $440bn.

IEA ayaa sheegtay in maalgashiga caalamka oo dhan ay tahay inay kororto oo noqoto $700bn sanadkii, sababtoo ah waxay qaadataa inta u dhaxaysa saddex iyo lix sano inay shaqada bilaabaan saldhigyada cusub.

Waddamada xubinta ka ah Opec ee shidaalka soo saara ayaa sheegay si la mid ah toddobaadkii hore.

"Halka suuqa shidaalka ay hadda taalo shidaal badan, waa muhiim in shirkadaha shidaalka ay hubiyaan in maalgashi la'aanta hadda jirta aysan keenin shidaalka oo yaraada mustaqbalka" ayay sheegtay warbixinta Opec ee sanadlaha ah.

Shidaalka cayriin ayaa hadda jooga $46 barmiilkii, isagoo hoos u dhacay labadii sano ee la soo dhaafay.

Mowduucyada la xiriira