Ra'iisul wasaaraha dalka Japan oo Donald Trump la kulmay

Ra'iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe

Ra'iisul wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe, ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay dunida ee la kulmo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.

Wuxuu sheegay Mr Abe inuu aaminsan yahay in xiriir is aaminaad leh uu la yeelan karo Trump.

Shinzo Abe ayaa jawiga kullanka oo ka dhacay dhismaha Trump ee ku yaalla New York ku micneeyay mid aad u diirranaa.

Donald Trump ka muusan qeybgalin shirka jaraa'id ee uu qabtay ra'iisul wasaaraha dalka Japan.

Fasax dhanka maamuuska ah aawadii, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka kumeysan lug yeelanin qabanqaabinta kullankaasi.

Donald Trump, ololihiisii doorashada intuu ku jiray wuxuu Japan iyo dalalka kale ee Aasiya ku booriyay inay dhaqaale ku bixiyaan militariga Mareykanka.

Sidoo kale diidmadiisa dhanka ganacsiga Trans-Pacific ayaa waxay sii hurisay walaaca Aasiya.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan