Tobannaan qof oo ku dhimatay shidaal ku qarxay Mozambique

Qariidadda dalka Mozambique
Image caption Qariidadda dalka Mozambique

Maamulka dalka Mozambique waxa uu sheegayaan in inkabadan 70 qof ay dhinteen ka dib markii uu qarxay gaari-shidaal.

Tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi.

Sida dowladda ay sheegtay, dad rayid ah ayaa shidaal ka shubanayay booyadda markii ay qarxeysay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in gaariga uu gadoomay.

Arrintan ayaa ka dhacday gobolka Tete oo aanan ka fogeyn xuduuda dalkaasi uu la wadaago Malawi.

Dowladda Mozambique ayaa wafdi u dirtay gobolkaasi si ay xaaladda u soo qiimeeyaan, una ogaadaan sida lagu caawin karo dadka dhaawaca ah.

Mowduucyada la xiriira