Tuulo ku taal kenya oo 40 qof ku weyday weearada Shabaabka ee Mandera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tuulo ku taalla Kenya oo 40 qof ku weyday weearadii Shabaabka ee Mandera

Weerarada soo noqnoqday ee ay sheegatay kooxda Al-shabaab ee ka dhacay magaalada Mandheera ayaa waxa ay saamayn xooggan ku yeesheen tuulo la yiraahdo Chaka oo ku taalla degaanka Nyeri ee gobolka bartamaha Kenya.

Tuuladaas waxa weeraradaas ilaa imika uga dhintay dad kor u dhaafaya 40 qof oo intooda badan ahaa muruq-maal u tagay Mandera in ay ka shaqeystaan qodidda dhaxaga lagu dhisto guryaha.

Weriyaha BBC-da Mohammud Ali ayaa booqday tuuladaasi, ka dib weerarkii ugu dambeeyey, ee ay 12-ka qof ku dhinteen, warbixintan ayuuna inooga diyaariyey.