Dagaal culus oo ka socdo magaalada Taiz ee dalka Yemen

Colaada Yemen

Waxaa jira warar sheegaya in dagaal culus oo waxyeelo gaystay uu ka socdo magalada Taiz ee dalka Yemen.

Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka oo u dhaxeeya xoogagga dawladda iyo jabhadaha Xuutiyiinta ay ku dhinteen in ka badan labaatan ruux.

Jabhadduhu waxay sheegtay in ay dad badan ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen ka dib markii uu gantaal ku dhacay Khamiistii suuq caan ah.

Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay in isbitaalada ku yaalla jiida dagaalku ay si aan kala joogsi lahayn u soo gaarayaan dhawacyada labada dhinac iyo waliba dad shacab ah.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan