Xabaal wadareed laga helay meel ku dhow magaalada Moosil

Maydad ayaa laga soo saaray hal meel isbuucii hore. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Maydad ayaa laga soo saaray hal meel isbuucii hore.

Ciidamada dowladda Ciraaq waxay sheegayaan inay heleen xabaal wadareed kale oo ay ku arkeen deegaan ay dhowaantan Daacish ka qabsadeen.

Weriyayaasha waxaa la tusay goob mar hore laga guuray oo looga shakinayo inay maydad ku jiraan.

Goobta ayaa ku taalla tuullada Tall Adh-dhaba, oo ah dhanka bariga Moosil.

Haraaga lafo bini-aadam iyo fooqa rasaasta ayaa goobtaasi oo dhan ku daadsan.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in qiyaastii 40 qof oo ka mid ahaan jiray ciidamada amniga, oo gacanta u galay daacish loo maleynaayo in halkaasi lagu dilay.

Maamulka dalka Ciraaq wuxuu hadda baarayaa xabaal-wadareed kale oo isbuucii hore laga helay magaalada Hamam al-Calil.

Waxaa loo maleynaayaa in xabaashaasi lagu aasay illaa 300 oo qof.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan