Dhibaato soo foodsaartay Muslimiinta Mareykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaato soo foodsaartay Muslimiinta Mareykanka

Dadka Muslimiinta ah ee ku nool wadanka Maraykanka, ayaa siday ay sheegayaan waxaa la soo gudboonaatay cabsi wayn kadib markii la doortay Donald Trump.

kooxda masuulka ka ah xil la wareegida Donal Trump, ayaa laga soo sheegayaa in ay ka fikirayaan in muslimiinta diiwaan gooni ah loo sameeyo oo lagu qoro.

Masuuliyiinta dadka Muslimita ahna, waxay sheegayasn in ay kor u kacday nacaybka loo qabo dadka muslimiinta ah oo dadbadan wax yeelo loo gaystay.

Imaam Cabdirahaman Shariif, waa imaamka masaajidka Daarul-hijra ee magaalada Minneapolis. Wariyaha BBC-da Mohamed Haaji Hussien, ayaa waraystay. Wuxuuna ugu horayn waydiiyay bal waxa ay ka cabanayaan ama dhibaatada la soo daristay waxa ay tahay.

Mowduucyada la xiriira