Andy Murray oo qaaday koobka ATP

Waa markii ugu horreysay ee uu koobkan ku guulaysto. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waa markii ugu horreysay ee uu koobkan ku guulaysto.

Andy Murray oo Britain u dhashay ayaa markii ugu horreysay qaaday koobka ATP ee Tenniska, cayaar ka dhacday garoonka 02 Arena ee London, ka dib markii uu ka badiyey Novak Djokovic oo koobkaas shan goor oo hore ku guulaystay.

Murray oo dhawaan loo caleemo saaray inuu noqday cayaartoyga kaalinta 1aad ka galay kala horraynta cayaartoyda Tenniska dheesha ee caalamka ayaa kaga badiyey Djokovic 6-3, 6-4.

Waa cayaartii 24 aad oo xiriir ah oo uu ku guulaysto Andy Murray oo 29 jir ah.