Doorashada dalka Mali oo walaac laga muujiyay

Doorashada dalka Mali
Image caption Doorashada dalka Mali

Doorashadii ugu horreesay ayaa ka dhacday dalka Mali tan iyo sanadkii 2013-ka , ka dib markii afar jeer la baajiyay doorashada taas oo loo aaneeyay xasilooni darrida ka jirta dalkaasi Mali.

Degaanada qaar oo ku yaalla koonfurta dalkaasi ayaa la soo sheegaya in codbixintu ay si habsami leh uga socoto , inkastoo wararka ka imaanaya waqooyiga dalkaasi ay sheegayaan in la baajiyay doorashooyinka ka dhici lahaa 7 Degmo , halkaas oo ay ku xooggan yihiin xoogaga Islaamiyiinta.

Dalkaasi Mali ayaa waxaa in muddo ah ka socday dagaallo udhaxeeyo xoogaga Islaamiyiinta iyo dowladda. Islaamiyiinta ayaa waxa ay doonayaan in gobolada waqooyi ee dalkaasi ay ka go'aan Mali.