Taxanaha 100ka Dumarka ah ee BBC

Alicia Keys waxay cayaartaa piano Lahaanshaha sawirka Theo Wargo
Image caption Alicia Keys waxa ay ka mid tahay dumarka ugu magaca weyn caalamka ee nagala qayb qaadaneysa Barnaamijka

Waanu soo noqoney, iminka ayaanu ugu weyn nahay! Saddexda toddobaad ee soo socda waxaanu kuu soo bandhigi doonaa sheekooyin ku saabsan 100 dumar ah. Daqiiqado, waqti yar oo aad wax badan ku ogaan karto, dood, una gaar ah haweenka iyo sheekooyin aanu la yeelan doono hogaamiyayaasha caanka ka ah dunnida ee muyuusiga, cayaaraha, siyaasadda iyo waliba coddadka ama dadka aan wali soo shaac bixin.

Waa kuwan wax yar oo ka mid ah waxyaabaha aad ilaashan doonto:

Fanaanada iyo curiyaha heesaha Alicia Keys waxa ay nagala hadashay isirka, Donald Trump, soo korinta wiilal iyo sababta ay uga go'an tahay in ay isu ekeysiiso qaabka ay dooneyso in ay u ekaato.

Simone Biles waxa ay wax nooga sheegtey sababta ay ugu takhasustey qaab jidh dhiska/jimicsiga, in ay ku kortey xukunkii Obama iyo sida ay u maareyneyso in ay noqotey qof caan ah oo iminka soo shaac baxay.

Image caption Dabaaldeggii 100-ka haweenka ee Mexico 24 Nofember

Barnaamijka ugu horeeya oo aad toos u daawan doonto ee 100-ka dumarka ah ee BBC, waxaa lagu qabanayaa badhtamaha magaalada Mexico City, waxaa lagu soo bandhigi doonaa muyuusik, farshaxan, qoob ka cayaar iyo dood.

Bandhiga Mexico waxaa kale oo BBC ku soo bandhigi doontaa waayo aragnimadeeda ugu horeysey ee muuqaalka BBC ee la soo bandhigayo oo ku saleysan markhaatifurka haween la soo badbaadiyey.

Waxaa filimkani kuu saamixi doonaa in aad si dhab ah aad u aragto haween loo afduubey in laga ganacsado oo la soo badbaadiyey isla markaas.

Bishii July, gabadh dhalinyaro ah oo Mareykan ah oo xidhan saako/toob dheer ayaa hortaagan iyada oo gacmaheedu laaban yihiin kuna haysa laabta ayaa waxa ay eegeysaa horteeda oo ay taxan yihiin boliis si xoog ah u qalabeysani.

Gabadha ka muuqata sawirka hoos ka muuqda ee iminka caanka noqdey waa Ieshia Evans.

Waxa ay nagala hadashay dibad baxa iyo iska caabinta. Ieshia waxa ay qayb ka tahay waxyaabaha muujinaya oo ka hor imanaya waxyaabaha laga fisho haweenka dabiici ahaan iyo soohdimaha dunnida ee loo xadidey.

Lahaanshaha sawirka JONATHAN BACHMAN
Image caption Muuqaalka Ieshia Evans dibadbixii xagaaga

Dood wadaag gaar ah ayaanu ku eegeynaa su'aal muhiim ah: U doodista xuquuq , dumarka oo dhami ma qayb ayey ka yihiin? Kimberle Williams Crenshaw, Heather Rabbatts and Gail Lewis ayaa falanqaynaya in ay ururada u dooda xuquuqaha ay ku guuleysteen in ay haweenka oo dhan ka qayb geliyeen , xuquuq u doodka, iyaga oo aan u eegeyn isirka iyo jinsiyadda.

Barnaamijkan oo saddex qaybood ahi, waa in aanu ku dhaafin.

BBC laanta Asiya waxa ay ka qayb qaadanaysaa doodaha aanu qabaneyno, halkee ayuu marayaa xaalka dumarka Asiya ee Britishka ahi, nagala soo qayb gal oo nagala sheekeyso mowduucyadaas.

Waa maxay 100 kan dumarka ahi.

Boqolka dumarka ah ee BBC waxa ay sannad kasta magacaabaan 100 haween ee ugu saameynta badan, uguna magaca weyn caalamka. Waxa aanu ka sameyneynaa filimo, muuqaalo iyo wareysiyo ku saabsan noloshooda, anaga oo wakhti siineyna waxyaabaha shaacinaya haweenka. Waxa aanu weydiinaa:

Qayb intee le'eg ayey haweenku ku leeyihiin dhaqaalaha qarniga 21-aad ee deegaanka aad degan tahay?

Dumarka qayb weyn ma ka qaataan siyaasada iyo ganacsiga?

Maxaad u aragtaa khatarta ugu weyn ee haweenka la soo derista, waa maxay fursadaha ugu waaweyni?

Iyo dabcan- Waa siddee dhinaca saxaafada? miyaan ka been sheegnaa haweenka? Si wanaagsan ma u sheegnaa sheekadooda?

Waxaanu dooneynaa in aad NAGALA qayb qaadato addiga oo taladdaada iyo ra'yigaaga ka dhiibanaya. Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa: Facebook Instagram, Pinterest, Snapchat iyo You Tube.

Sii gudbi addiga oo wadaagaya waxyaabaha ku xiise geliyey iyo sheekadaada addiga oo isticmaalaya #100women

La kulan Mother of Trees (Hooyada Dhirta) waxa aanu la kulaney Saalumarada Thimmakka oo 105 jir ah, waxa ay ka beertey baadiyaha India boqolaal geed oo ah dhirta loo yaqaan banyaanka, si ay u ilaaliso degaanka iyo in ay ka dagaalanto khaladka laga fahmey caruur la'aanta haysata ama in ay tahay madhaleys.

Image caption Saalumarada Thimmakka ayaa India ku beertey dhir

Waxa aanu ku dhameyneynaa su'aasha ah Aalada Internetku ma cunsuri baa? Wikipedia waa aalada Internetka ku jirta kaalinta 7-aad ee ugu caansan dunnida, 15% oo keliya oo haween ah ayaa ka ah tafatirayaal. In ka yar 15% haween ah ayuu macluumaadkoodu ku daabacan yahay.

Waxa aanu kala shaqayneynaa Wikipedia in ay sameeyaan 12 saacadood oo u gaar ah haweenka kuna dhiiriyaan in ay tafatiraan kuna daabacaan mowduucyo ku saabsan iyaga.

8-da Disember waxa aanu dooneynaa in aad ka qayb qaadatid, ku soo biir boggayaga, baro sidda loo tafatiro, kuna soo biir hashtaga #100womenwiki.

Mowduucyada la xiriira