Trump : Waan ka bixi doonaa heshiiska ganacsiga ee wadamada Pacific-ga

Donald Trump Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Donald Trump

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay in boqolka maalmood ee ugu horeyso marka uu qabto xafiiska uu soo saari doono amar looga baxayo heshiis ganacsi oo Mareykanku la galay wadamada Pacific-ga

Fariin muqaal ah oo uu soo duubay ayuu Trump waxaa kale oo uu sheegay in uu doorbidi doono in heshiis laba geesood ah uu la gali doono 12-ka dal, ee qaarada Asia ee qeybta ka ah heshiiskaasi. Wuxuuna sheegay in taasi ay fursado shaqo u abuuri abuuri karto dalka Mareykanka.

Heshiiskaasi ayaa waxaa la saxiixay bishii Febaraayo ee sanadkan, ka dib 7 sano oo wadahadallo ah .

Waxaana uu qeyb ka ahaa siyaasadda ganacsiga ee Madaxweyne Obama.